𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝘆𝗲𝗲𝗱𝗵𝗮𝘆

0
184

𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝘆𝗲𝗲𝗱𝗵𝗮

 

Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda caafimaad re dalka, qodobkan ayaa ku jiray ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha.

 

Mudanayaasha guurtida ayaa ka dayriyay xaaladda caafimaad ee dalka iyo adeeg la’aanta Cisbitaalada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, oo ay sheegeen in adeeg bixintooda caafimaad ay aad u liidato.

 

Sidoo kale mudanayaasha ka qayb qaadanayay dooda ajandaha ayaa tilmaamay dhibaatooyinka caafimaad ee ay sababaan daawooyinka bilaa tayada ah ee ay iibiyaan.

 

Farmasiiyada iyo cisbitaalada dalku, oo ay ka warameen qaarkood in dawadii Hargeysa laga siiyay dib loogaga maydhay dalka Itoobiya, lana su’aalay meesha uu ka yimi in maxkamadi ka jirto iyo in kale si uu u dacweeyo.

 

Ugu danbayn guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay in loo yeedho wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland si wax looga waydiiyo xaaladda caafimaad ee dalka iyo arrimaha ay xildhibaan ka warameen.