Tirad Dadka Ku Dhintay Dhulgariirka Turkiga Iyo Suuriya Oo Gaadhay Halkii U Saraysay

0
133
Tirada dhimashada dhulgariirada ayaa dhaaftay 37,000. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in 31,974 qof lagu dilay dalkaas, halka in ka badan 5,800 oo qof ay ku dhinteen Suuriya, sida ay sheegeen QM iyo dowladda Suuriya.
In ka badan 8,000 oo qof ayaa nolol laga soo saaray burburka dalka Turkiga, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo dhammaan dalalka u soo gurmaday in ay taageeraan dhulgariirka kadib.