Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay  Oo Lagu Qaaday Safaaradda Azerbaijan ee Iran

0
153

Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay  Oo Lagu Qaaday Safaaradda Azerbaijan ee Ira

Askari ilaalo ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday safaaradda Asarbayjaan ee dalka Iran, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, waxanay intaa ku dartay inay daad gureyn doonto shaqaalaheeda diblomaasiyadeed ee Iran ku sugan.

“Weeraryahanku waxa uu soo jabsaday bartii ilaalada, wuxuuna madaxa amniga ku dilay qoriga Kalashnikov,” ayay tiri nin u Hadlay dalka Azerbijaan.

Weerarkan oo ka dhacay Tehran ayaa sidoo kale lagu dhaawacay labo ilaalo ah, sida ay sheegtay wasaaradda Asarbayjaan. Baadhiaan ayaa la bilaabay.

Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa weerarka lagu qaaday safaaradda dalkiisa ku tilmaamay Fal argagixiso, wuxuuna dalbaday in baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo Dasababta keentay iyo Cidda Ka dambaysa