SHURUUC CUSUB OO ITOOBIYA KA SOO BAXDAY.

0
143

SHURUUC CUSUB OO ITOOBIYA KA SOO BAXDAY

Bangigga Itoobiya ayaa soo saaray awaamirtan hoose;
1- Dadka Itoobiyanka ah si shaqsiya guriga kuma kaydsan karaan 100-kun birr wax ka badan.Shirkaduhuna guriga kuma kaydsan karaan wax ka baddan 200-kun birr.

2- Dhamaan lacagaha waa in bangiyada la dhigo oo uu dhaq-dhaqaaq kasta bangigga ka dhacaa.

3-Qofka soo sheegay qof guriga dhigtay lacag ka badan inta la ogol yahay ee kor ku xusan waxaa lagu abaal marin doona 15% lacagta uu soo sheegay.

4-Waxaa la mamnuucay oo la joojiyay dhaq-dhaaqa lacagaha qalaad ee la isticmaalo iyo waliba in la kaydsado.[Qofka laguma arki karo]

5-Dahabka sifo sharciga baalmarsan guriga laguma kaydsan karo.Qofka soo sheega qof dahabka guriga ku kaydsadayna wuxuu helayaa 15% intuu xiligaas taagan yahay.

6-Qofka soo sheega qof ku hawlan dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharciga baalmarsan ee xawaaladaha,waxaa lagu abaalmarin doona 25-kun birr.

7-Qofka soo sheega qof ku hawlan daabacada lacagaha shatci darada ah waxaa abaal marin loo siin doonaa 20 kun ilaa 200-kun oo birr.

8-Dadka abaalmarinta la siinayo iyadoo amnigooda la ilaalinayo ayaa si qarsoon loo abaal marin doonaa.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV