MAAMUUSKA JAAMACADDA AL- BAYAAN EE DR .C.KHABIIR MAXAMED AXMED

0
228

MAAMUUSKA JAAMACADDA AL- BAYAAN EE DR .C.KHABIIR MAXAMED AXME

JAAMACADDA AL- BAYAAN ee barashada shareecada iyo soo saaridda culimada ayaa qabatay munaasabad lagu maamuusayo Dr sh.C.khabiir Maxamed Axmed oo dhawaan darajada ( PhD ) ka soo diyaariyey jaamacadda al-Budaana ee dalka Suudaan gaar ahaan kuliyadda Tarbiyadda .
Munasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka, macalimiinta, ardayda jamaacadda wax ka barata iyo marti sharaf kale .
Waxaana hadalo kala duwan ka soo jeediyey maamulka jaamacadda madaxa mu’assadada al-Karam, culimo iyo macalimin ka howl gasha jaamacadda iyo qaar ka mid ah ardayda jaamacadda oo iyagu lahaa agaasimka munaasabadda.

Ugu danbaynna waxa goobta hadalo mahad naq iyo gubaabo is kugu jira ka soo jeediyey Dr.sh.C.khabiir.

munaasabaddan oo ka qabsoontay hoolka xafladaha ee jaamacadda ayaa waxay ku so dhammaatay jawi aad u fiican.

Nasir cali