Mudda kordhinta xukuumadda oo Mugdigalisay Mustaqbalka Iyo Jiritaan xisbiyadda

0
115

Mudda kordhinta xukuumadda oo Mugdigalisay Mustaqbalka Iyo Jiritaan xisbiyadd

Golaha guurtida Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay muddo kordhinta madaxweynaha, taas oo meesha ka saaraysa qorshihi ay wateen xisbiyada mucaaridku wateen oo salka ku hayay sii jiritaankooda.

Haddaba qorshaha ay xisbiyada mucaaradku rabbeen ayaa ahaa in mar loo wada kordhiyo muddo xileedka iyo madaxweynaha, ama doorashada madaxtinimada la qabto, hase ahaate taasi may dhicin oo hal bacaad lagu lisay ayay noqotay.

Geesta kale muddo kordhintan duuduubka ahayd ee ay maanta sameeyeen golaha guurtidu ayaa meesha ka saartay rajadii ay qabeen asxaabta mucaaridku, waxaanay sharciyaysay inay urarada cusub ee la furay ay ka mid noqdaan saddexdii xisbi Qaran ee hore u jiray ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, maadaama aanay muddo kordhinta ku jirin laguna soo qaadin ku dhawaaqistii maanta markaliya gacanta loowada taagay, waxaanay god madaw ku riday jiritaankii mustaqbal ee asxaabta hadda jirta.

Saddexda xisbi Qaran oo shahaadada xisbinimadu kaga eg’tahay dabayaaqada sannadkan oo muddo kooban hadhay, ayaa waxa ay rajadoodu ku xidhan tahay xeerarka lagu muransanyahay ee labada gole dhexyaalla, kaas oo haddii sidaa lagu ansixiyo madaxweynaha kala wakhti dhigaya, haddii kalena doorashada urrurada ay geli doonan.

Dhinaca kalana waxa hadda si habsami leh, u socda hawlihii ururada siyaasada oo intoodii badnayd lagu guulaystay in la qabto, isla markaana qaybo badani ay ka gudbeen guud ahaan shuruudihii looga baahnaa, balse waxana foodda iskula jira hadda xisbiyada iyo urrurada oo waxa meesha ka baxay madaxweynaha oo loo kordhiyey.

Qorshaha ay sugayeen asxaabta hadda jirta waxa ay ahayd in doorashada madaxweynaha la qabto ama inta u kordhaysa madaxweynaha loo kodhiyo, balse may dhicin oo waxa delow ka’laalaada jiritaankii xisbiyada oo haddii ay arrintu sidaas ku sii socoto ururro noqon doona.

Doorasho madaxtooyo ma jirto illaa laba sanno kadib, xisbiyadow-na ururro noqda weeyaan Qorshaha Madaxweynuhu, haddii aan wax xal ah laga gaadhinna muran ayaa arrintaas ka dhalan kara.

Haddii ay sidaas ahaata arrinta asxaabta siyaasada Somaliland waxa ay noqonaysa ‘Faytinow walee dhaan danbaan ciddina kuu dhibaan.

Muddo kordhintan maanta ayaa u muuqatay ama tubta qaad ama tayda raac, taasi oo siyar yar meesha uga saaraysa sijiritaankii asxaabta saddexda ah ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE oo rajaddii ay qabeen ay noqotay mid muran badan ka dhex dhalisay bulshada.