Dagaal La Isku Gabal Dhacsaday Oo Ka Dhacay Gurre-dhaamoole DDS

0
255

Dagaal La Isku Gabal Dhacsaday Oo Ka Dhacay Gurre-dhaamoole DD

Wararka ka imanaya deegaanka Gurre-dhaamoole ee Dawlad Deegaanka Somalida ayaa sheegay in maanta Halkaasi kandhacay Dagaal Culus oo u dhexeeya Somalida iyo Oromada.

Ma jirili war rasmi ah oo Kasoo Baxay Labada Dhinac ee dagaalamay, balse wararka xogogaal ah, ayaa sheegaya inuu khasaare labada dhan ahi jiro oo aan la hayn cadadkiisa.

Dagaalkan ayaa soo noqnoqday, marar badanna Halkaasi ay ku dagaalameen Oromada iyo somalida deegaanka Gurre-dhaamoole, mana jiro illaa hadda wax xal ah loo hayo xaaladdan Taagan.

.DDSI ayaan wax tallaabo ah qaadin oo ku aaddan dagaalanka soo laalaabtay, halka dawladda dhexe ee Itoobiyana isku daawanayso.

Labada qoomiyadood ee Dagaalanaya, ayaa Waxa Kasoo kala jeeda Raysal wasaaraha Abey iyo wasiirkiisa Maaliyadda Mr Shire, kuwaas oo aan weli wax tallaabo ah ka qaadin Dagaalka.