SOMALILAND HOGAAMIYE AYAY U BAAHAN TAHAYE UMA BAAHNA TALIYE (COMMANDER )

0
98

“SOMALILAND HOGAAMIYE AYAY U BAAHAN TAHAYE UMA BAAHNA TALIYE (COMMANDER
Cabdiraxmaan Cirro nin jilicsan baa la moodaa. Lama yaabo oo aniga ayaa moodi jiray intii aanan shakhsi ahaan aad isu baranin. Marka hore waa musharax waxanu ku soo gaadhay siyaasad qabow oo ka duwan tii Muuse Biixi ku guulaystay
uu ku soo gaadhay kursiga madaxwaynaha oo qasab iyo jujuub iyo gacan maroojis ahayd. Murtida soomaalida ayaan ka baadhay siyaasadda Cabdiraxmaan ku socdo. Gabyaagii caanka ahaa ee Xuseen Xasan ayaan ka helay gabay uu lahaa. Wuxu yidhi

SUD LIBAAX LEH KAYN BAHAL SALDHIGAY SAYMO LA ARKAAYO
SANQADH-TIRASHADAA LAGU MARAA LAGAMA SOO SAARO
SURYO OODAN MEESHII SULDHO AH SUUL HADAAD GELISO
SI YAR BAA SIDAHA LOO MARSHAA LAANTA LAMA SAYDHO
NINKII MAALINTAA KAA SITA EEN LAGA SED QAADAYNIN
SAWD GIBINA BAA LOO CESHAA LAGUMA SOOYAAMO

Markaa Cabdiraxmaan wuxu siyaasiyiinta kale dheer yahay maca aniga oo Caligurey ah 20 sanadood oo waayoaragnimo diblomaasiyadeed ah. Taas ayaa u suurogelaysay in dad farobadan oo kala dabeecado iyo aragtiyo ah uu isuhayn karo sharka Muuse Biixina iskaga yareeyo. Xadhiga marka uu debcinayo iyo marka uu giijinayo isaga ayaa garanaya. La tashiga intii talo ku biirin karta waa hogaamiye dhegaysta oo aan qofna taladiisa quudhsan. Hadana marka uu go’aan kama dambays ah qaato wuu ku dhaqaajiyaa isaga oo Allihiisa kaashanaya cid kasta oo kaga hortimaadda saaxiibo xisbi iyo tolba dheg uma dhigo. Waayo marka uu ficil u rogo isaga ayaa loo soo wada noqdaa in uu sax ku ahaa.

Hadii Ilaahay ku guuleeyo 90% waxan filayaa in uu noqon doono Madaxwayne ka duwan Muuse Biixi oo ka hogaamin fiican. Muuse waa Taliye Somalilandna waxay u baahan tahay hogaamiye

Hadaba hogaamiye waxa ugu fiican ka ku dayda sidii Ilaahay faray Rasuulkiisa SCW in uu u hogaamiyo ummadiisa in uu la taahado asxaabtiisa hadii uu go’aan qaatana Ilaahay wakiisho uu talo saarto)”.

W/Q Mujaahid CALIGUREY