Beesha Isaxaaq Iyo XUkuumadd Oo Shiray Maxay Ka Wada Hadleen..Akhri

0
210

Beesha Isaxaaq Iyo XUkuumadd Oo Shiray Maxay Ka Wada Hadleen..Akhr

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Dr.Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi (Suufi), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Shaajin iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay waxgaradka iyo Ganacsatada bariga Hargeysa.

Kulankan ayaa la iskaga xogwaraytay mudaharaadkii rabshadaha watay ee ka dhacay xaafada New Hargeysa, kuwaasoo ay dhigeen Xisbiyada Mucaaradka ah, kaasoo ahaa Mudaharaad fidno ah oo bulshada iyo Ciidamada Booliskaba dhibaato loogu geystey.

Waxgaradka iyo Ganacsatada degaanka Bariga Hargeysa, ayaa xaqiijiyey sida ay diyaarka ugu yihiin in ay xukuumadda kala shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada iyo guud ahaanba horuumarka,iyaga oo intaa ku daray in ay is abaabuleen si ay uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo horuumarka degaanka Bariga Hargeysa, sidoo kale waxay cadeeyeen Odayaasha iyo Waxgaradku in aanay marnaba ogolaanayn in degaankan ay dhibaato ka dhacdo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo xubnaha kale ee golaha Wasiirada ayaa u mahadnaqay Waxgaradka sida ay uga shaqaynayaan nabadgelyada iyo horuumarka Bariga Hargeysa, gaar ahaana xaafada New Hargeysa, sidoo kale Wasiirada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xukuumadd ahaan kala shaqeeyaan waxkasta oo xaga Xukuumadda ay uga baahan yihiin.

Waxaana isla qaatay in aanay Xaafada New Hargeysa iyo guud ahaan degaanka Bariga Hargeysaba aan shacab ahaan iyo Xukuumadda ahaanba aan la ogolaanayn in ay ku soo dhuuntaan dad qas wada oo wax u dhimaya sumcada iyo horuumarka degaankan.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.