Taliyaha Liyuu Booliska Iyo Generaal Millateriga Itoobiya Oo Baydhabo Gaadhay

0
217

Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga gaarka ah DDS Sarreeye guud. Maxamed Axmed iyo Major Jeneral Tesfaye Ayalew, oo ah Madaxa hawlgalinta Ciidanka Qaranka ayaa gaadhaey magaalada Baydhabo ee caasimada koonfur galbeed soomaaliya.

Socdaalka Taliyeyaasha ayey ujeedadiisu ahayd adkaynta xadka iyo iskaashiga dhinacyada amniga xuduudaha ee sifaynta iyo cidhib tirka argagixisada alshabaab.

Saraakiisha ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha koonfur galbeed Sooomaaliya mudane Cabdi Casiis lafta-gareen sidookale waxay kulamo kulayeesheen xeryaha magaalada xudur iyo waajid ciidamada kaladuwan ee nabad ilaalinta ATMIS iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

kulamada ayaa la iskula qaatay sidii mudo gaaban argagixisada looga sifayn lahaa xuduudaha labada dal iyo waliba sidii looga saari lahaa goobkasta oo ay gabaad kadhigan karaan.