Maxay Sameeyeen Wasiiradii Burco Joogay

0
176

Weftiga Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo maalmihii u danbeeyey safar shaqo u joogey Gobolka Togdheer, gaarn ahaana magaalada Burco, ayaa kulan la qaatay laamaha dawladda ee magaalada GobolkaTogdheer, sida Isu duwayaasha iyo Hay’ddaha Amniga.

Kulan ayaa daarnaa is xogwaraysi xaalada gobolka guud ahaanba, sida abaaraha, Amniga iyo mashaariicda horuumarineed ee ka socda Gobolka Togdheer iyo wada shaqaynta laamaha Dawladda, iyada oo ay war bixin buuxda siiyeen Xubnaha Golaha Wasiirada, Isu duwayaasha Gobolka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa faray Isu duwaasha iyo laamaha Amniga in la dardar geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, iyada oo wax walba laga horaysiinayo masuuliyada Qaranka loo hayo iyo ta bulshada. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Nafoqo iyo masuuliyiinta Golaha Degaanka.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee kulankan ka qayb galay waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arimaha Baarlamaanka Maxamed Xaaji Aadan.

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.