Madaxweynaha Jubbaland Oo Ciidamada Booqday

0
222

Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay facebook giisa oo u shigan sidan;-

Fadliga Maalinka carafo awgii maanta waxaan booqasho ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga badbaadin lahayeen dhagarta argagixisada.

Maanta oo kale waa inaan xusuusana kuwa naftooda u huraya dalkeena iyo dadkeena oo nabad hela dhaxanta iyo qoraxdana u taagan sidii kumanaan dadkeena ah ay nabad ugu seexan lahayeen.

Sarakiisha Iyo Ciidamada waxaa iiga muuqatay dhiiranan iyo adkaysi badan. Waxaan anaga iyo Dowlada Federaalka ah si wadajir ah uga shaqayn doona sidii loo bilaabi lahaa howlgalo midaysan taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga guulaysan karo argagixisada.

Ciid Mubarak.