Dawladda Kenya oo ka cadhootay baaqashada Madaxweynaha Somalia ee Shirka IGAD

0
158

Dawladda Kenya oo ka cadhootay baaqashada Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaaliya uu kaga baaqday ka qaybgalka shirka Nairobi ee Urur Gobolleedka IGAD.

Kenya ayaa weli wada farogelinta guddaha Soomaaliya ee damaceeda mustaqbal ee ku aaddan maamul gobolleedka Jubbaland.

Dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay talaabada Madaxweynaha Dalku kaga baaqday safarkiisi Kenya.

Beddelka safarka Kenya Madaxweynuhu wuxuu tegi doonaa Turkiga kaddib waddanka aynnu walaalaha iyo taariikh wadaagta nahay Eritrea 🇪🇷.

Eritrea ayaa noqonaysa waddankii keliya burburkii kadib hal mar Soomaaliya usoo saaray in ka badan shan kun oo ah Ciidamo kamaandoos ah.

WERIYE  TERRA