Dabka qabsaday kaymaha gobolka Sanaag waa musiibo iyo murugo weyn

0
193

“Dabka qabsaday kaymaha gobolka Sanaag waa musiibo iyo murugo wey. Waa bilicdii dalkeenna oo saddex maalmood holcaysa, waa dhaawac soo gaadhi doona mustaqbalka dalxiis iyo deegaan ee dalkeenna.

Dadka deegaanku halgan adag ayay muujiyeen iyagoo aan haysan wax qalab ah, waxaa se la soo sheegayaa in gurmadkii ugu horreeyey ee heer gobol uu saaka gaadhay, dabkuna marba marka ka dambaysa uu sii fidayo.

Waxaan ugu baaqayaa maamulka gobolka Sanaag, maamullada gobollada kale iyo xukuumadda dhexe ba inay arrintaas ku baraarugaan. Waxaa loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo dadkaas iyo deegaankaas loogu gurmanayo inay xukuumaddu qaaddo.

Dadweynaha reer Sanaag iyo dhammaan bulshada Somaliland waxa inagu waajib ah in aynnu u gurmanno musiibadaas qaybo dalkeenna iyo deegaankeenna ka mid ah ku habsatay. Sidoo kale, warbaahinta Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan sidii arrintaas meel dheer loo gaadhsiin lahaa”

Guddoomiye Xirsi Cali X Xasan