Noocyada Raaashinka Ee Cashuur Dhaafka Ay Xukuumadu U Samaysay

0
225

Akhri Nuxurka War-qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda maaliyadda Somaliland

Hargeysa – Wasaaradda horumatinta maaliyadda Somaliland, ayaa iyada oo ka duulaysa culaysyada dhaqaale ee ay uugu weyn yihiin sicir-bararka iyo cunto-yaridu, kuwaas oo ay keeneen duruufaha siyaasaddeed iyo nabadgalyo ee dunida iyo gobolkaba ka jira.
Waxa ay lix bilood oo kale ku dartay cashuur-dhimis dhan 10% (boqolkiiba toban) oo ay u samaysay cuntooyinka daruuriga ah sida:
1. Bariiska
2. Daqiiqda
3. Sonkorta
4. Iyo Saliida.
Sanadkan bilawgiisii ayey Wasaaraddu cashuur-dhimis u samaysay Cuntooyinka daruuriga ah, taas oo ku ekayd January-June/2022. Balse mar hadii xaaladu ka soo rayn weyday Wasaaraddu waxa ay garatay in ay lagama-maarmaan tahay in la sii wado cashuur-dhimista sanadka in ka hadhay, taas oo macnaheeduyahay in la sameeyey Cuntooyinka aasaasiga ah cashuur-dhimis loo sameeyey sanadka oo dhan. Waxase xusid mudan in ay doorkan ku jirto saliiddu, taas oo aan markii hore la socon waxyaabihii loo sameeyey cashuur-dhimista.

Ugu danbayn, waxa aanu u sheegaynayaa ganacsatada soo dejiya Cuntooyinka aasaasiga ah ee ku xusan wareegtada Wasiirka Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda, in ay dhinacooda xisaabta ku darsadaan marka ay jarayaan qiimaha ay ku wax kaga iibinayaan bulshada, iyadoo Hay’addaha Dawladda ee ay arintani khusaysaana qiimayn joogta ah ku samayn doonaan.