Guddoomiyaha SONSAF Oo Sheegay In Mushkiladaha Ugu Waawayn Ee Somaliland Ka Jira Ay Shaqo La’aantu Ka Mid Tahay

0
195

Guddoomiyaha SONSAF Oo Sheegay In Mushkiladaha Ugu Waawayn Ee Somaliland Ka Jira Ay Shaqo La’aantu Ka Mid Tahay.

“Waxa xaqiiq ah in mid ka mid ah mushkiladaha ugu waawayn ee haysta dadka reer Somaliland ay tahay shaqo la’aanta baahsan ee waddanka ka jirta. Shaqo la’aantu waxa ay horseeddaa faqri, ugu dambayna waxa ay dhabbada u xaadhaa nabad-galyo darro iyo qalalaase.

Dunida horumartay shaqada waxa abuura private sector, iyada oo ganacsatada iyo dadka hayntoodu wanaagsantahay ay sameeyaan maalgashiyo abuura shaqooyin, islamarkaana kor u qaada dhaqaalaha waddanka.

Somaliland ganacsatadeeda waxa lagu dhaliilaa in ay lacag badan ku bixiyaan soo dhoofinta alaab laga keeno waddanka dibaddiisa, laguna iibiyo waddanka gudihiisa. Arrintani waxa ay nuglaysay dhaqaalaha waddanka, iyada oo ka dhigtay mid aan cago-adag ku taagnayn oo la gad-gadooma dhacdooyinka ka dhacaya suuqyada caalamka.

Dariiqa ugu wanaagsan ee dhaqaalaha waddan xasilooni ku dareemi karaa, waa iyada oo la kobciyo waxsoosaarka waddanka gudihiisa, islamarkaana waddanka laga hirgeliyo warshado waxsoosaar.

Nidaamka warshadayntu waxa uu kor uqaadaa waxsoosaarka, taas oo sababta in qiimaha alaabuhu hoos u dhaco (demand – supply relationship), waxa ay kordhisaa dhakhliga cashuuraha, waxa ay siyaadisaa GDP waddanka, Sidoo kale warshadayntu waxa ay hoos u dhigtaa heerka shaqo la’aanta.

Warshadda sibidhka Berbera, waa mid ka mid kaydka ceegaaga ee qaranka Somaliland leeyahay, hase ahaatee aan laga faaidaysan 30 kii sanno ee u dambeeyay. In la maalgaliyo warshadda sibidhka waxa ay u tahay shaqo abuur muwaadiniinta, waxa ay sidoo kale hoos u dhigaysaa qiimaha dhismaha.
Iyada oo taa laga duulayo, waxa aan dhiirigelinayaa dedaal kasta oo lagu doonayo in dalka lagaga hirgeliyo warshado waxsoosaar.

Waxa aan sidoo kale ugu baaqayaa dadka reer Somaliland in ay soo dhaweeyaan warshadaha waxsoosaarka.