Golaha Guurtida Oo Soo Dhaweeyey In Ganacsatadu Qaadka Joojiyaan

0
185

Golaha Guurtida oo Taageeray Go’aanka Ganacsatadu ku joojisay Qaadkii ay Itoobiya ka soo waaridi jirtay, sidoo kalena ka hadlay sicir’bararka bulshada naafeeyay iyo qiimaha basaska caasimada lagu raaco oo kordhay iyo qaylo-dhaanta bulshada ka soo yeedhaysa.

Sidoo kale waxa uu goluhu ka dooday arrimo kala duwan oo dalka ka taagan iga oo soo jeediyey talooyin iyo baaqyo kala duwan oo ku aadan xaaladahaasi.