Kulanka wadatashiga Qorshaha 10-ka sano ee Horumarinta iyo Maamulka guryaha deegaanka oo ka qabsoomay Jigjiga.

0
167

Kulanka wadatashiga Qorshaha 10-ka sano ee Horumarinta iyo Maamulka guryaha deegaanka oo ka qabsoomay Jigjiga.

Jigjiga – Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wakaalada Horumarinta iyo Maamulka Guriyaynta DDS, ayay ujeedadiisu ahayd sidii kor looguqaadilahaa Maalgashiga guryaha deegaanka, loona yaraynlahaa baahida hoy la’aanta ee kajirta Magaalooyinka deegaanka.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiin kasocda Bangiyada kaladuwan ee ka hawlgala deegaanka, Xafiisyada heer deegaan ee bahwadaagta la ah Wakaalada Guriyaynta iyo Maamulka Magaalada Jigjiga, ayaa waxaa furitaankii hadal kooban kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Cabdiraxman Iid Daahir oo sheegay in Guriyayntu tahay mid kamid ah waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha aadamada, hase ahaatee, aan hada kahor lasiinin ahmiyadii ay lahayd.

Wasiirka ayaa intaas kudaray in ay lagamamaarmaantahay, in bahwadaagta kaladuwan ee Segtarku, ay si wadajir ah isaga kaashadaan sidii looyarayn lahaa baahida guri la’aanta ee kajirta deegaanka iyada oo la raacayo Istaraatiijiyada Horumarinta iyo Maamulka Guriyaynta ee dhawaan diyaarinteeda la dhamaystiray.

Kulanka oo lagusoo bandhigay daraasaad lagu sameeyay baahida guri la’aanta ee kajirta Magaalada Jigjiga (Housing need Assessment), ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyay caqabadaha hortaagan maalgalinta Guriyaynta deegaanka iyo sidii xal loogu helilahaa iyada oo dhinacakalana talobixino kaladuwan loosoojeediyay daraasada.

Ugu danbayntii, waxaa laisla qaatay in xooga lagaaro qodobada ay kamidka yihiin:- 1) in la saxo nidaamka Maamulka guryaha kaladuwan ee dawladu hada kahor dhistay. 2) in lasameeyo nidaamkii lagu xakamaynlahaa kirada sii kordhaysa ee guryaha Magaalooyinka 3) in lagawadashaqeeyo Sidii loohelilahaa lacag (Finance) lagumaalgaliyo Guriyaynta Deegaanka iyo 4) In xooga lasaaro helitaanka dhulka lagusamaynayo noocyada kaladuwan ee maalgashiga guryaha.