Ganacsade Wershad Sibidhka Samaysa Ka hirgelinaya Berbera

0
168

Somailand: Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo magaalada Berbera ka hirgalinaaya Warshad cusub oo Sibidh islamarkaana heshiiskii dhismaha wejiga koobaad oo ku dhamaanaya 18 biloodna Saxeexay.

Shabakkada ka faalato Arrimaha sibidhka ee Adduunka ee World cement ayaa baahisay warbixin ku saabsan warshad cusub oo sibidhka ah oo uu Berbera ka hirgalinaayo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Warbixinta oo aanu soo turjunay ayaa u dhiganayd sidan;

“Shirkadda MSG Group of Companies ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyada oo kaashanaysa shirkaddeeda kale ee Horn Holding Group ltd (HHG) oo uu leeyahay Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraddka Carabta ayaa heshiis la saxeexatay shirkadda Bedeschi SPA dhismaha wejiga 1aad ee warshad sibidh kaas oo qaadan doona dhismaheedu ilaa 18 bilood iyada oo la rakibayo warshad awood wax soo saarkeedu dhan yahay 700,000 ton sanadkii oo sibidh ah.

Dhammaan mashruuca warshadda oo dhammaystiran waxa uu qaadan doonaa 3 sano in lagu dhammaystiro awoodda wax-soo-saarka 3300 ton oo sibidh ah maalintiiba.

Heshiiska ayaa ka dhashay wada xaajood socday muddo sanad ah oo ay hogaaminayeen Bergs & More oo ah shirkad hormuud u ah sharciga, canshuuraha iyo latalinta maaliyadeed oo ka hawlgasha Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Somaliland ayaa sibidhka dhoofin doonta mustaqbalka sida qorshuhu yahay.

Wajiga 1-aad ee mashruuca ayaa la filayaa in uu u tarjumo fursadaha shaqo ee dadka deegaanka inta lagu jiro marxaladda dhismaha iyo sidoo kale marka ay warshaddu soo baxdo.

Qiyaastii 300 oo qof oo reer Somaliland ah ayaa la filayaa inay si toos ah uga faa’iidaysan doonaan mashruucan shaqo abuur iyo 200 oo kale oo muwaadiniin ah oo si dadban uga faa’iidaysan doonan. Dhanka gobolka mashruucu wuxuu u dhaafi doonaa koboca dhaqaalaha iyada oo loo furayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale fursadaha ganacsi ee ganacsiyada jumlada iyo tafaariiqda labadaba.

Guddoomiyaha shirkadda MSG Maxamed Siciid Geedi oo ka hadlay xafladda heshiiska ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay inuu mashruucani noqon doono mid guulaysta, isla markaana uu noqon doono mid faa’iidada dhaqaale ee uu leeyahay aanu dib ugu noqon doonin shirkadda MSG oo keliya, balse ay tahay mid ay Somaliland muwaadiniinteedu ka faa’iidaystaan.

Somaliland oo lagu qiyaaso inay ku nool yihiin dad gaadhaya qiyaastii ilaa 6 milyan oo qof , isla markaana goob istaraatiiji ah kaga taal Geeska Afrika oo ku beegan xeebta Jasiiradda Carabta ayaa mashruucan u noqon doona mid guul badan ay ka hesho oo dhanka maalgashiga iyo dhoofinta badeecadaha ee dalka dibadiisa loo dhoofiyaba.”

Warbixintan ay shabakadu baahisay laguma xusin cadadka maalgalinta warshadaasi ay ku kacayso.

Linkiga Warbixinta ay World Cement qortay waakan;

https://www.worldcement.com/africa-middle-east/01072022/msg-group-inks-a-deal-for-a-cement-plant-in-berbera-somaliland/?fs=e&s=cl .

Turjumida; Weriye Luqmaan Maxamed Faarax.