Ciidanka Xeebaha Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Markab Sharco Darro Badda Kusoo Galay

0
159

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo qabtay markab sharci-darro ku kalluumaysanayey

Saylac – Ciidammada Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Saldhigga 2aad ee fadhigoodu yahay degmada Lughaya ee Gobolka Salal, ayaa gacanta ku dhigay gelinkii dambe ee maanta markab si sharci-darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha magaaladda Saylac.

Markabka iyo shaqaalaha saaran oo aan weli haybtooda la shaacin, ayaa haatan lagu hayaa Saldhigga Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee magaalada Saylac.