Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa amartay in Soomaaliya la gaadhsiiyo lacag dhan 35 Million

0
245

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa amartay in Soomaaliya la gaadhsiiyo lacag dhan 35 Million oo Dirham si looga tageero arrimaha gargaarka iyo horumarinta.

Wakaalada Imaaraadka Carabta wararka u faafisa ee WAM ayaa qortay in Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu amray in lacagtaas lagu wareejiyo Soomaaliya.

Tallaabada Imaaraadka ayaa kusoo beegmaysa waxyar ka hor markii Xukuumadda Soomaaliya ay $9.5 Milyan ku wareejisay Dowladda Imaaraadka Lacagtaas oo kaga xayirneyd Muqdisho ilaa 2018 xiligaas oo Ciidanka Amniga Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Adan Cadde.

Dowladda Imaaraadka ayaa wixii wakhtigaa ka dambeeyay Soomaaliya u gaabisay Xidhiidhka iyo guud ahaanba taageeradii ay ku bixin jirtay arrimaha kala duwan, iyada oo sheegtay in lagu xadgudbay Diblamaasiyadeeda.