Maxay tahay farriinta uu Muuse Biixi u diray Xasan Sheekh?

0
305

Maxay tahay farriinta uu Muuse Biixi u diray Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabadda xuska 18-ka May ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu ka codsaday in aanu soo faragelin arrimaha Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Madaxweynaha shalay doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isu dhiibay aad iyo aad baan usoo dhaweyneynaa, inaguna in aan kala nabadgalno oo aan isu duceyno baan idiin ka dooneynaa kii hore iyo kan dambaysa”