Wiil yar oo ku nafwaayay xadhig koronto oo ku dhagey.

0
401

Wiil yar oo ku nafwaayay xadhig koronto oo ku dhagey.

Hargeysa – Wiil ayaa geeriyooday, kadib markii uu ku dhagey xadhig koronto isaga oo fuushan geed u dhaw xaafadooda.

Wiilkan yar ee geeriyooday, ayaa gurigoodu ku yaala xaafada Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka dab-demiska Qaranka ayaa Maydka wiilka yar kasoo saaray dusha sare ee geedka.