Shil dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Duleedka Hargaysa

0
189

Shil dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Duleedka Hargaysa

Hargeysa – 4 qof ayaa ku nafwaayay 7 kalena way ku dhaawacmen shil baabuur oo ka dhacay xaafada Burcada-yar ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland, mudane Axmed Abokor Maxamed, oo dhaawaca ku booqday cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa ka dayriyay xaalada dhaawaca.

Waxaanu yidhi.”Inta dhimatay marka laga tago inta dhaawaca ah laftooda xaaladoodu way culustahay, ALLE waxaanu uga baryayna in uu u booga dhayo, qarankana dhibweyn ayay ku tahay in maalin walba uu qof inagaga dhinto wax laga hortagi karo”.

Laba qof oo walaalo ah ayaa kamid ah dadka dhintay shilka sida uu agaasimuhu sheegay.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii uu baabuur wadada yaalay ay ku dhaceen laba baabuur oo socday, sida uu sheegay agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Shilalka ayaa sannadkasta galaafta nolosha dad badan, waxaana socda dadaalo ay wasaaradda gaadiidku ku doonayso in lagu dhimo khasaaraha shilalka, waxaana kamid ah in la waajibiyo xidhashada suunka baabuurka.