Asxaabta mucaaradka Somaliland oo sigaara ugu dabaal dagaya munaasibada 18 May

0
423

Asxaabta mucaaradka Somaliland oo sigaara ugu dabaal dagaya munaasibada 18 Ma

Hargeysa – Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID, ayaa ku dhawaaqay in ay si gaar ah ugu dabaal dagi doonaan munaasibada, maalinta Qarannimada ee 18-ka May, waxayna sheegeen in aanay tagi doonin fagaaraha uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaga qayb galayo munaasibada.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Waxan aanu ka hadlayno ee aanu ka cabanayno, ee dhalinyaradu usoo baxayso, ee dadku hadal hayaan, ee mucaaradku diidan yihiin waxa weeyaan, madaxweyne 5 tiisii sanno dhamaatay, oo doonaya in uu sii fadhiyo, haduu na ixtiraami waayay oo uu na arki waayay anaguna halkuu joogo ugu tagi mayno, 18 May gaar baanu u qabsanaynaa”.

Gudddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay in madaxweyne Biixi uu doonayo in uu baabiiyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, waxaanu sheegay in aanu ogolaanayn in la qabto doorashada ururrada siyaasada.

“In aan aniga iyo Cabdiraxmaan labadayada baabiisid, oo tidhaa waan baabiinayaa ana waan joogayaa kuu suuragali mayso, Ina Koore-na waxaan leeyahay, urrurada aad sheegaysid Hargeysa iyo halkaan joogo ka dhici mayse, 18-ka May waxaanu u saaraynaa guddi gaar ah”Ayuu yidhi Faysal.