Weriyihii Lagu Dilay Daanta galbeed Falastiin oo Maanta La aasaay

0
259

Maydka Shiiriin Abu Caqli oo maalintii Arbacada ay ciiddamada Yuhuuddu ku toogteen magaalada Jiniin ayaa maanta oo Jimce ah lagu aasay magaalada Barakaysan ee Qudus.

Shiiriin ayaa ahayd saxafiyad caan ku ahayd soo tebinta dhacdooyinka iyo xadgudubyada ka socda dhulka Falastiin. Iyadoo muddo 25 sano ah u shaqaynaysay TV ga Al jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar.

Dadka Janaasadeeda ka qayb galay ayaa kala waayey meel ay istaagaan, taas oo muujinaysa sidii loo jeclaa.