Waxaan Guddiga Isku-dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha si rasmi ah uga guddoomay, shahaadada musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, annagoo u gudbinay barnaamijkeenna siyaasadeed ee ku wajahan sii ambaqaadidda isbeddelka socda ee dalka iyo qorsheyaashii horumarineed ee miro-dhalay.
Waxaan ku kalsoonahay garashada iyo aqoonta ay u leeyihiin sharci dejiyeyaasha Soomaaliyeed in ay dalka u doorayaan hoggaan la hubo, oo ku tilmaaman ilaalinta ammaanada iyo qarannimada, kana tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta dalka iyo adkaynta dowladnimada.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu dalkeenna ku gallado horumar iyo xasillooni, annagana na waafajiyo sii ambaqaadidda isbeddellada horumarineed ee ka socda dalka.