Axmed Karaash Oo Xilal Cusub Magacaabay Iyo Xaaladda Oo Sii Cakirantay

0
226

XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.

MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.

WUXUU XEERIYEY:

MAGACAABID

  1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland

  2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

  3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.

Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland