Eedaha 5ta ah ee loo jeediyey Coldoon.

0
253

Eedaha 5ta ah ee loo jeediyey Coldoon.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA G/HARGEYSA
XIG/H/1232/2021
12/10/2021

Ku: Maxkamadda Gobolka M/jeex
Xeer ilaaliyuhu markuu arkay gal dacwdeedka uu ku eedaysanyahay :-
1. C/maalik Muuse Coldoon ina Faadumo Rooble D/40 jir ah
La xidhay:- 23/08/2021 Hogaanka Baadhista Dambiyada (CID) Hargeysa

Ujeedo:-Xaashida Eeda Sida Waafaqsan Qod:70,71 XHC

Eeda 1aad :- Waxaa lagugu Eedaynayaa danbiga ah Faafin Warar Been Abuura oo ku xusan Qod.328 XCG. Sababtoo ah taariikhdu markay ahayd Bishii 6aad ilaa 17/08/2021 waxaad si isdaba jooga ugu faafisay bartaada Facebook ee C/maalik Muuse Coldoon warar been abuur ah oo Buun-buunsan waxaanad sheegtay in Shabakada Abaarso oo ay ka mid tahay Jaamacada Barwaago lagu faafiyo dhaqamo iyo Afkaar guracan oo ay wataan dadka xarumahaasi gacanta ku hayaa waxna ka dhigaa isla markaana ardayda goobahaasi dhigta lagu shubo waxay caqiido ahaan aaminsan yihiin iyadoo lagu shubaayo waxa ay aamisan yihiin maamulka iyo macalimiinta gacanta ku hayaa goobahaasi si ay u soo saaraan dad iyaga lamida oo la fikira oo ka agdhaw si ay ugu fushadaan mashaariicda iyo waxay iyagu doonayaan si ay u soo saaraan dad aynu ka simanahay midabka, Magaca iyo Dalka laakiin maskax ahaan iyo qalbi ahaan inaga duwan oo xanbaarsan Diinta iyo Afkaarta dadkaas ajaanibka ah ee gacanta ku hayaa ay aaminsan yihiin arintaas oo ah in goobahaas lagu faafiyo diin aan ta Islaamka ahayn arintaas oo ah Been abuur cad oo aanay waxba ka jirin sida ay cadaynayaan gudida Iskuulka ahna Waalidiinta ardayda sidaana waxaad ku gashay danbiga sare ku xusan laguguna soo Eedeeyey.

Eeda 2aad:- waxaa lagugu Eedaynayaa danbiga ah Dacaayad Qaran Dumisnimo ah ee ku xusan Qod.215 XCG. Sababtoo ah taariikhda Eeda 1aad waxaad faafisay Dacaayad Qaran Dumisnimo ah adigoo sheegay in iskuulka Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo la keenay bulshada aduunka ugu guracan ee sameeya waxa uu bila aadanku daayo Xayawaankuna ka xishoodo oo ah in uu Labku Labka u Tago Dhadiguna dhadiga u tago. arintaas oo ah dacaayad aad ku shaki galinayso Jaamacadda dalka iyo waxbarashada Bulshada adigoo dalka ka dhigaaya in dhaqamo xun-xun lagu faafiyo. Sidaana waxaad ku gashay danbiga sare ku xusan laguguna soo Eedeeyey.

Eeda 3aad:- waxaa lagugu Eedaynayaa danbiga ah Canbaaraya Umada Somaliland iyo Qaranimadeeda ee ku xusan Qod.219 XCG. Sababtoo ah taariikhdu markay ahayd 26/06/2021 waxaad bartaada Facebook ku faafisay qoraal aad ku canbaaraynayso Qaranimada Somaliland adigoo yidhi waa Been aynu Rumaysanay in aynu Gumaystaha ka xorownay 26/06/1960 waa been aynaan kaligeen rumaysnayn ee ay rumaysteen shucuub badan oo ka mid ah Caalamka waxaynu hoos joognaa Gumayste dhab ah oo ka xoog iyo xeelad badan waagii hore arintaas oo aad ku canbaaraynayso qaranimada Somaliland oo aad ku sheegayso in la gumaysto. Sidaana waxaad ku gashay danbiga sare ku xusan laguguna soo Eedeeyey.

Eeda 4aad :- waxa lagugu eedaynayaa denbiga ah aflagaado siyaasiyiinta golaha sharci Dajinta Somaliland (Golaha Wakiilada) ee ku xusan Qod.269 XCG. Sababtoo ah taariikhdu markay ahayd 22/06/2021 oo lagu jiray kaanbaynkii gudoomiyaha golaha wakiilada waxaad facebook gaaga kusoo qortay adigoo la hadlaaya xildhibaan ka tirsan Golaha isagiiba kamid noqday gole ilaahay ku haysta ilaahnimadiisa markaasuu leeyahay waa lanala laaluushayaa oo waa xaraanaan arintaas oo ah aflagaado badheedha oo aad kula kacday Golaha Wakiilada iyadoo aanay jirin in ay llaahay ku haystaan ilaahnimadiisa maadaama oo aynu dad muslima nahay Sidaasna waxaad ku gashay danbiga sare ku xusan laguguna soo Eedaynayaa.

Eeda 5aad:- waxa lagugu Eedaynayaa danbiga ah Ceebayn ee ku xusan Qod.452 XCG, Sababtoo ah taariikhda eeda 1aad waxaad faafisay qoraalo iyo muqaalo aad ku ceebaynayso Schoolka Abaarso, Jaamacada Barwaaqo iyo ardayda dhigata adigoo sheegay in aanay ahayn wax lagu faano iyo wax la amaano toona ee ay yihiin wax laga xishoodo oo laga qajilo adigoo ku ceebaynaaya in goobahaa lagu hayo wax ka baxsan dhaqanka suuban iyo shareecada Islaamka, arrintaasi oo sababi gaadhay isku dhac bulshada dhexdeeda. Sidaasna waxaad ku gashay danbiga sare ku xusan laguguna soo Eedeyeeyey.

Dembigu waxa uu ka dhacay Hargaysa taariikhdu markay ahayd 17/08/2021.

Hadaba waxaanu Maxkamada ka Codsanaynaa inay noo Mudeyso, noona cayinto goorta iyo wakhtiga la dhageysan doono dacwadan, soona saarto talaabooyinka kale ee la xidhiidha dacwadan sida waafaqsan Qod:- 75,79,80XHC.

Markhaatiyada:-
1- C/fataax Siciid Muuse……………………Dhibane
2- Aamina Cismaan Ducaale …………..Dhibane
3- Cilmi Daahir Bulaale ……………………..Dhibane
4- Rooda Muxumed Cabdi. ………………..Dhibane
5- Maxamed Jaamac limaan…………….Dhibane
6- Farxiya C/laahi Xuseen… ……………Marag
7- Najma Axmed Maxamed……………..Marag
8- Muuse Yuusuf Cismaan.. ……B/D…….Marag
9. Daahir Xasan Ibraahim………………. Marag
10-Wararkii Eedaysanuhu Faafiyay…..M/muujin

Admin