Boqor Buurmadow Oo Muqdisho Lagu Xidhayo iyo Sababta

0
344

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa doonaya in ay xabsiga u taxaabaan Boqor Buurmadow.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa sheegay in ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah Boqorka.

Boqorka ayaa shalay hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho kaasi oo uu ku taageerayo qaddiyadda Somaliland, sidoo kale toddobaad ka hor ayuu jeediyay hadal kale oo uu ku sheegay in laba dawladdood ay ka jiraan Sooomaaliya (AS iyo DFS).