“Foostada Shidaalka Iyo Maceeshadu Awaare oo Ethiopia ah ayay kaga jaban yihiin Somaliland oo leh Deked Caalami ah” Xisbiga UCID

0
173

“Foostada Shidaalka Iyo Maceeshadu Awaare oo Ethiopia ah ayay kaga jaban yihiin Somaliland oo leh Deked Caalami ah” Xisbiga UCI

Xisbiga UCID, wuxuu naqdiyay siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa naqdiyay siyaasada xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxayna si adag uga hadleen dhibaatooyinka ka haysta bulshada xagga nollosha ee ay sabbabeen sicirbararka ahdheeyay dalka.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID, Yuusuf Keyse Cabdullaahi, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Somaliland oo leh Deked caalami ah qiimaha shidaalku Degmada Awaare ee Ethiopia oo aan bad lahayn weliba ku taal haw guntii kaga jabnaado.

Yuusuf Keyse, ayaa sidoo kale ku tilmaamay arrin layaab iyo fajac ku noqotay Bulshada muuqaalo dhowaan baraha Bulshada lagu baahiyay.

Wuxuu sheegay in uu dhowaan booqday deegaanka Awaare oo ka mid ah deegaamada Soomaalida dalka Ethiopia iyo dalka Djibouti.

Booqashadiisa deegaanka Awaare oo sida uu sheegay ku arkay waxyaabo soo jiitay deegaan ahaan xagga nollosha Bulshada ku dhaqan iyo xoollaha.

“Awaare, waa deegaan qurxoon oo xoollahu haysteen Baad iyo Biyo, waxa aad ii soo jiitay qiimaha maceesha iyo shidaalka oo aad uga hooseeya marka loo eego Somaliland oo leh Deked caalami ah.” Ayu yidhi.

Wuxuuna isagoo tilmaamaya qiimaha shidaalka halkii Foosto ee Awaare oo ku taal Hawd iyo qiimaha shidaalka Somaliland ee cirka lagu shareeray yidhi, “Foostada Shidaalka ah Awaare waxay ka maraysaa 4, 800 Br lacagta Ethiopia oo ka yar $ 85, dollar, halka Somaliland oo leh Deked Caalami ah Foostadu marayso $ 160 dollar, farqiga u dhexeeya waa $ 60 dollar”

Yuusuf Keyse, wuxuu sheegay in shidaalku uga yimaado Djibouti oo 2000, Km u jirta, isla markanaa dalka Ethiopia dagaalo ka socdaan, “waxa layaab ah in Somaliland oo deked caalami ah leh maceeshadii iyo shidaalkii kaga jabnaado gudaha Ethiopia.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka deegaanku u sheegeen in Hargeysa aannay usoo safrin muddo Afar sannadood ku dhow, taas oo sida uu sheegay ay sabab u tahay in Dhagax-buur ay safaradooda u weeciyeen, iyagoo eegaya qiimaha maceeshada.

Arrimahaa ayuu ku macneeyay kuwo layaab ku ah Bulshadda Somaliland oo u baahan in lays weydiiyo.

Dhinaca kale, Yusuuf Keyse ayaa ku nasiibdaro ku tilmaamay muuqaalada dhowaan lagu shaaciyay baraha Bulshada oo masuuliyiin xukuumadda ka tisran kusoo bandhigeen sawiro muujinaya, iyagoo malab faraha darsanaya.

  1. Xigasho: Araweelonews.com