Maxaa Kasoo Baxay Xal u helista Khilaafkii Golaha Deegaanka gabiley ee Gudida Wasiirku Hogaaminayey Ku hawlanayd.?

0
530

Gabiley(SRN):-Wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo technoljiyada jsl cabdiwali sheikh cabdilaahi suufi jibriil iyo shanta xildhibaan ee golaha Wakiilada Ku matala gobolka gabiley ayaa loo xil saaray xal u helida khilaafka soo kala dhexgalay xildhibaanada golaha deegaanka degmada gabiley iyagoo saddexdii maalmood ee Udanbeeyay ku hawlanaa sii ay isugu soo dhawayn lahaayeen Mudanayaasha golaha deegaanka oo qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanku eedo Musuq maasuq warbaahinta uga soo jeediyeen Duqa golaha deeganka gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi.
Hadaba Wasiirka isgaadhsiinta iyo xildhibaanada golaha wakiilada ku matala gobolka gabiley ayaa iyagu kulamo gaar gaar ah la yeeshay labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo iyagoo dhinacwalba ka dhagaystay warbixintooda iyo tabashada ay qabaan taasi oo qaadatay in muddo laba cisho ay ku hawlanaayeen dhagaysiga labada dhinac.
Wararka laga helayo kulanaddi ay kula qaateen gabiley iyo kulankii wasiir Cabdiwali iyo xildhibaanada wakiilada kula yeesheen maalintii doraad magaalada hargaysa xildhibaanada garabka mucaaridka ku ah maayarka ayaa ahaa mid qaatay saacado badan kaasi oo ay xildhibaanada ku wargaliyeen go’aanka ay ka gaadheen xal u helida khilaafka u dhexeeya maayarka iyo xubnaha kasoo horjeeda oo ka kooban 7 xildhibaan.
Gudida xal uhelid khilaafka golaha deegaanka gabiley ee uu gadhwadeenka u yahay wasiir cabdiwali oo ay weheliyaan shanta xildhibaan ee gobolka gabiley ku matala golaha wakiilada ayaa xildhibaanada mucaaridka u sheegay laba qodob oo ay islaqateen in lagu xaliyo khilaafkii soo kala dhexgalay golaha deegaanka oo mudo 3bilood oo kaliya ku fadhiyey kuraasta,
1-In khilaafka golaha lagu dhameeyo sidii layskugu soo dhawayn lahaa labada dhinac xildhibaanaduna ay kusoo noqdaan xayndaabka wada shaqaynta golaha islamarkaana ay ansixiyaan miisaaniyada golaha hortaala ayna isku keenaan si ay iskaga laab xaadhaan waxyaabihii ay warbaahinta isku mariyeen mudadii khilaafku aloosnaa.
2-Maadaama ay gudidan wasiirku hogaaminayaan ay ku qanciwayday Eedahan Musuqmaasuq ee ee xildhibaanadu usoo jeediyeen maayirka.
Intaa kadib xildhibaanada mucaaridka ah ayaa iyagu ku gacansayndhay go’aankii ay usoo jeediyeen masuuliyiinta xukuumada iyo xildhibaanada gobolka Gabiley u fadhiya golaha wakiilada,
iyagoo sheegay in aanay aqbalayn go’aankaasi islamarkaana ay doonayaa in loo qabto fadhi ay maayarka xilka kaga qaadayaan, taasi oo ay dhinacooda ka diideen wasiirka iyo xildhibaanada isku xil saaray xalinta khilaafka golaha deegaanka gabiley.

Maxaa Intaa Xigay.
Gudidan uu hogaaminayo Wasiir cabdiweli ayaa sida xoguhu nagu soo gaadheen habeenkii xalay u gudbiyey Madaxweynaha jsl go’aankii ay kala soo kulmeen xalinta khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo waxa laga yeelayo, iyagoo sidoo kale la wadaagay wasaaradaha ku shaqada leh arrintan oo ay ugu horeyso wasaarada arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland.

Si Kastaba ha ahaatee dadka sida dhow ula socoda arrintan ayaa qaba in hawshan xalinta khilaafka goluhu ay salka ku hayso arrin siyaasi oo la xidhiidha isbahaysiga xisbiyada mucaaridka.
Dad kale ayaa qaba iyaguna aragtida ah in wasiir C,wali oo ah masuulka ugu sareeya mansabka siyaasiga ee gobolka gabileyna kasoo jeeda ay arrintani ahayd mid isagu uu ka gaabiyey xal u helisteeda.
Isku soo duuduubo waxaa laga dhursugayaa halka uu salka dhigto khilaafkan golaha deegaanka gabiley iyo xal u helista hawlihii shaqo ee gobolka uu u xaniban ansixinta miisaaniyadii lagu wadi lahaa oo ah halka uu hadalku ka bilaabmay.