Musharax Shucayb Maxamed Muuse oo Hungow iyo faramadhnaan kala kulmay Shacabka Gabilay.

0
273
Musharaxa Golaha Wakiilada Xisbiga Ucid ee Gabilay shucayb Maxamed Muuse ayaa Ku Hungoobay in Ay Kala soo Qayb Galaan Munaasibadii Uu Shalay ku Shaacinayay Muaharaxnimadiisa oo Ka dhacday Magaalada Gabilay.
Musharaxa ayaa Beesha Uu Ka Soo Jeeda Ay Hore Ugu Sheegtay Inayna Cod u hayn Islamarkaana u Tanaasulo Musharaxa Aqoonyahanka ah ee Beeshisu Isku Raacday Ee Eng. Cabdikariin Balse Shucayb oo Taas Dhagaha Ka Furaystay ayaa shaaricyada Magaalada Gabilay Shacabka Ku baryaya In Ay ka Soo Qayb Galaan Munasibadiisa islamarkaana Uu Isagu Ku Qaybinaayay Martiqaadka xafladiisas ka dib markii uu faro madhan ka soo istaagay inuu helo taagerayal beeshisa ah oo munaasibada kala soo qayb gala.
Shucayb ayaa waxa uu hoolka ka soo buuxsaday dhalinyaro caruur u badan iyo dad aan ahayn bulshada codeynaysa we deegankiisa taas oo anfariir ku noqotay shacabka Gabilay oo La Fajacay Riyada Ismoodsiiska ah ee uu ku Hadraayo Masuulkan Siyaasada socod baradka ku ah.
Gudoomiyaha Ucid Ayaa La Sheegay Inuu Ka Niyad Jabay Musharaxa aan Beeshisu isku Raacsanayn ee Xisbigiisu Aqbalay oo uu ka welwelayo guul dekadda balaadhan ee muuqata ee Xisbigiisa kaga imaneysa gobolka Gabilay.
Geesta kale waxa shalaytoole ka Digo rogtay taageradii at U Hayeen Shucayb Maxamed Muuse Tiradii ugh danbaysay ee Dhalinyarada Beeshiisa oo Fagaare la Cadeeyey Inay Cod Iyo Cududba La Garab Taagan Yihiin Aqoonyahanka Khabiirka ah ee Beeshisu Wadato.