Magacyada Guddida Xulista Murrashaxiinta Golaha Wakiillada Iyo Deegaanka ee Xisbiga Waddani

0
403

Magacyada Guddida Xulista Murrashaxiinta Golaha Wakiillada Iyo Deegaanka ee Xisbiga Waddani.

Xisbiyada Somaliland, ayaa ku mashquulsan kala xulista Murrashaxiinta uga qayb galaysa tartanka doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Saddexda Xisbi Qaranka ayaa Xeerka Guud ee doorashooyinku, waxa uu ku waajibiyey in ay sameeyaan guddiyo xula Murrashaxiintooda iyo kuwo xaliya khilaafaadka ka dhasha.

Xisbiga Waddani, ayaa waxa guddida xulista Murrashaxiinta Xisbiga u xil saaray Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi oo ka soo kala jeeda deegaannada kala duwan ee Somaliland.
Guddida Xisbiga Waddani ayaa ah Guddi muddooyinkii u dambeeyey shaqaynaysay, balse lama shaacin magacaabistooda

Magacyada xubnaha ayaa kala ah:

1-Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Guddoomiye
2- Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye kuxigeen
3-Maxamed Cali Cabdi
4-Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji)
5-Cabdle Maxamed Carab (Sandheer)
6-Khadar Cabdi Xuseen
7-Jamaal Xaamud
8- Cabdirisaaq Khaliif
9-Baar Siciid
10. Foosi Maxamed Xirsi
11. Bashiir Cabdi Xariir
12. Saleebaan Ducaale

Shaqada ugu weyn ee ay guddidani qabanayso ayaa waxa qeexaya qodobka 69-aad ee Xeerka doorashada ee lambar 91/2020, kaas oo u dhigam sidan:
“Murashixiinta, qaabka loo raacayo, iyo shuruudaha kale ee la xidhiidha xubinimada xisbiga iyo bixinta lacagaha laga rabo.
3. Xisbi kastaa waa inuu sameeyaa Guddida xulista murashixiinta oo u xil saaran soo xulista murashixiinta xisbiga uga qayb galaya doorashada Golaha Wakiillada.

  1. Xubnaha guddida waa in loo soo xulaa si waafaqsan dastuurka xisbiga, waa in ay ka
    mid ahaadaan xubnaha xisbiga waana in ay leeyihiin aqoon iyo waayo aragnimo ku haboon gudashada hawshan.

  2. Shaqaalaha Dawlada, kuwa hay’adaha madaxbanaan iyo xubnaha ciidamada derejo kasta oo ay leeyihiin, uma bannaana in ay u tartamaan doorashada Golaha Wakiillada,
    hadii aanay shaqo ka tegistooda soo gudbin Sagaashan maalmood (90 maalmood) ka hor maalinta doorashada, sida lagu sheegay Qodobka 41(7) ee Dastuurka Qaranka.

  3. Shaqo ka tegistaa waxaa wajib ah in uu oggolaado, qoraalna ku cadeeyo qofka
    awoodda u lihi.
    Xisbiga Kulmiye, ayaa dhawaan shaaciyey guddida xulista Murrashaxiinta Xisbigaasi

Wargeyska Saxansaxo