Itoobiya-Dacwado ka dhan ahaa Siyaasiga Ugu Taagerada Badan Oromada Jawaar Maxamed oo la laalay

0
257

Maxkamad ku taalla Itoobiya ayaa Cirka Udirtay lix dacwadood oo uu wajahayay milkiilaha warbaahineed ee caanka ah, Jawaar Maxamed, kuwaasoo dhammaantood la xiriira heysashada hub sharci darro ah.

Addis Ababa(Somalilandrise.net)-Ninkan, oo sidoo kale siyaasi ah, ayaa bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay lala xiray dhowr ruux oo kale, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen rabshado daba socday dilkii loo geystay fannaankii Oromada u dhashay ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

In ka badan 80 ruux ayaa lagu dilay qalalaasaha ka shashay cadadhii uu sababay dilka fannaanka oo 34 jir ahaa, saameyn weynna ku dhex lahaa bulshada oromada.

Bekele Gerba iyo Dejene Tafa, oo labaduba kasoo jeeda isla qoomiyadda Oromo, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee maxkamadda lala soo taagay Mr Jawaar.

Garsooreyaasha maxkamadda ayaa ayaa sheegay in dacwadaha la laalay aysan meel ka dhac ku ahayn sharciga u yaalla dalka Itoobiya ee heysashada hubka sharcidarrada ah.

Hase yeeshee ragga eedeysaneyaasha ah ayaa wali wajahaya afar dacwadood oo kale, oo ay ku jiraan argagixisanimo iyo musuqmaasuq dhinaca warbaahinta ah.

Mr Jawaar ayaa maxkamadda u sheegay in kiiskooda oo dhan uu yahay mid siyaasad salka ku haya, ujeeddada kaliya ee laga leeyahayna ay tahay sidii looga hor istaagi lahaa isaga inuu u tartamo xafiis dowladeed marka la gaaro doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo bisha June ee sanadkan.

Jawaar ayaa horay dacwado argagixisannimo ku saabsan u wajahay – xilli uu dibad joog ku ahaa waddanka Mareykanka.

Dacwaddaas waxay la xiriirtay shaqadii uu kasoo qabtay warbaahinta Oromia Media Network (OMN), taasoo uu isagu madax ka ahaan jiray, balse kiiskaas waxaa la iska laalay markii uu Abiy Axmed xilka la wareegay bishii April ee sanadkii 2018-kii.

Tallaabadaasina waxay qeyb ka ahayd isbadalladii uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Abiy Axmed iyo Jawaar Maxamed ayaa mar ahaan jiray xulafo, laakiin markii uu Jawar dalka dib ugu soo laabtay ayuu billaabay inuu Mr Abiy ku ku eedeeyo in uusan dadaal ku filan u sameyneynin wax ka qabashada dhibaatooyinka ay muddada dheer ka cabanayeen bulshada Oromada ee ay labadooduba kasoo jeedaan.