Maxkamadda Sare Oo Soo Saartay Go’aamo iyo Waxa Ay Ku saabsan Yihiin

0
451

Maxkamadda Sare ee SL waxay soo saartay wareegto ujeedadeedu ku saabsan tahay wax ka bedel ay ku sameysay qiimaha Magta, Qoomaha iyo Meherka dumarka ee dacwadaha Maxkamaddaha soo gala waana sidan:-

  1. Dilka, dhaawaca ama qoonta badheedhka ah waxa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah) Dollar ahaan waa (411$). .
  2. Dilka, dhaawaca ama qoonta aan badheedhka ahayn ee kama sida shilalka Baabuurta iyo wixii la mid ah ee maqaadiir ah waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 2,500,000 (Laba milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah) Dollar ahaan waa (294) $ .
  3. Meherka dumarka waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah) Dollar ahaan waa (411$).
  4. Wareegtadan waxaa ka baxsan wixii ay dhinacyadu dibadda kaga soo heshiiyaan.