Waa Kuma Joe Bidenka sida rasmiga ah u noqday Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka

0
245

Joe Biden oo si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, kaddib markii daqiiqado ka hor loo dhaariyay xilka.

Xaflad ay dad yar ka qeyb galeen oo ka dhacday xarunta Capitol ayaa Mr Biden xilka loogu wareejiyay.

Waxaa sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka loo dhaariyay Kamala Harris oo ah haweeneydii ugu horreysay ee abid jagadaas loo dhiibo, sidoo kalena ah madow.

Biden waa ninka tartanka adag la galay Donald Trump, wuxuu ahaan jiray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowladdii Obama, siddeedii sano ee hoggaanka Mareykanka uu hayay.

Waa siyaasi ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka, kaas oo Donald Trump uga guuleystay doorashada, wuxuuna noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.

Sida ay sheegayaan taageerayaashiisa, wuxuu muddo tobonaan sano ah ka soo shaqeeyay siyaasadaha arrimaha dibadda, waana nin aftahan oo soo jiidan kara dadka caadiga ah. Waxaa lagu tilmaamay nin geesi ah oo u adkeystay dhibaatooyin soo maray noloshiisa, wuxuuna muddo 50 sano ku dhow u ordayay siduu madaxweyne uga noqon lahaa Mareykanka.

Halka dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa ay ku sheegaan in uu yahay nin u nugul jeedinta hadallada khaladaadka badan uu ka muuqdo.

Haddaba, waa kuma Joe Biden?

Biden kuma cusba ololaha doorashada – Wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo bilowday magaalada Washington, xilligaas oo uu ku biiray Aqalka sanetka, sanadkii 1973-dii, oo hadda laga joogo 47 sano, halka ololaha doorashada madaxtinimada uu bilaabay sannadkii 1987-dii oo haatan laga joogo illaa 33 sano.

Wuxuu qanciyaa taageerayaasha ku buuqa ama kuwa fowdada sameeya xilliga ololaha doorashada ku jiray, waxaana suuragal ahayd in hal oraah uu ku dejiyo.

Joe Biden waa nin aftahan oo mararka qaarkooda jeediya hadallo muran badan dhaliya

Marka uu ka qeyb galayo isu soo baxyada siyaasadeed Biden wuxuu ku anddacoodaa: “Awowyaashey waxay ka shaqeyn jireen goob dhuxusha laga qodo oo ku taalla waqooy bari Pennsylvania,” wuxuuna si caro leh u sheegaa in aysan helin fursadahii ay mudnaayeen in la siiyo.

Balse, xaqiiqada waxay tahay in awowyaashiisa aysan aheyn dad dhuxusha qodi jiray, wuxuuna hadalkaas ka soo xaday siyaasiyiin uu ka mid yahay Neil Kinnock oo ay dad ka mid ah qaraabadiisa ahaayeen dadka dhuxusha ka shaqeysta.

Si uu u xoojiyo danahiisa siyaasadeed, wuxuu sannadkii 2012-kii dad ka qeybgalayay isu soo bax u sheegay: “Waxaan idiin sheegayaa, in aan garanayo ilaa siddeed madaxweyne, saddex ka mid ah waxaan naga dhexeeyay xiriir dhaw”.

Biden wuxuu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowladdii Barack Obama

Wuxuu nasiib u yeeshay in uu madaxweyne ku-xigeen u noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah, Barack Obama, wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay “qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan Amerikaan ah oo reer magaal ah oo aftahan ah oo maskax leh”

Joe Biden wuxuu taageeraa bulshada madowa ah sida ka muuqato haddallo uu ka jeediyay ololahiisa doorashada.

Joe Biden wuxuu si weyn ula macaamilaa taageerayaashiisa, isagoona u muuqda qof ka dhaadhicinaya waxa uu doonayo.

Wuxuu sheegay in uu jecel yahay in waxa ku jira qalbigiisa uu bannaanka keeno, intuu wax ka akhrin lahaa warqadda ama qalabka kale ee wax lagu qorto oo siyaasiyiinta la hor dhigo marka ay khudbadaha jeedinayaan.

Biden waxaa uu awood u lahaaday in uu khudbad u jeediyo shaqaalaha Mareykanka ee loo yaqaano blue-collar, wuxuuna bilaabay in uu gacan qaado oo uu dhabarka ka taabto, sawirra na la galo.

“Wuxuu ku dhawadaa in uu laabta geliyo, isaga oo la hadlaya ama si toos ah ula macaamilayaa,” ayuu yiri xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Joe Biden oo la hadlayay jariiradda New Yorker.

Joe Biden waxaa marar badan loo jeediyay eedeymo ku saabsan hab dhaqankiisa

Siddeed haween ah ayaa sannadkii la soo dhaafay Biden ku eedeeyay in uu kula kacay falal anshax xumo, sida in uu laabta geliyay ama uu dhunkaday. Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay Biden oo haweenka salaamaya isagoo aad ugu dhaw – mararka qaarna wuxuu sanka saartaa timahooda.

Biden oo eedeymahaas ka jawaabayay wuxuu ballan qaaday “in uu noqonayo qof feejigan” marka uu dadka la kulmayo.#

Biden wuxuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay oo uu sheegay “in arrintaas aanay dhici karin”.

In uu iska ilaaliyo khaladaad la mid ah kuwii hore
Marka laga soo tego dhibaatooyinkii hore ee uu saameeyay, taageerayaasha Biden waxay ku rajo weyn yihiin in uu kusii dhaganaado dabeecadihiisa ah in uu dadka caadiga ah u roonaado, isla markaana uu iska ilaaliyo dabin-daabyada ay ku dhaceen musharraxiinta isaga ka horreeyay ee Dimuqraadiga.

Wuxuu leeyahay khibrad ka badan 30 sano oo ku soo dhex jiray Aqalka Sanetka ee Mareykanka, halka 8 sano uu madaxweyne ku-xigeen.

Taageerayaasha Biden waxay rajo ka qabaan dabeecaddiisa ah in uu yahay nin aan dadka iska weyneysiin, iyo in mar kale uusan la kulmi doonin dhibaatooyinkaas.

Taariikhda dheer

Biden waxaa looga bartay in uu wax ka sheego ama uu ku lug lahaado dhacdooyinka waaweyn ee ka dhaca Mareykanka, sannadihii la soo dhaafay.

Sannadihii 70-maadkii, wuxuu garab is taagay koox cunsuri ah oo ka soo hor-jeeday in carruurta ka soo jeedo qowmiyadaha kala duwan ay hal meel wax ka wada bartaan, gaar ahaan iskuullada dowladda. Waxaana arrintan loo adeegsaday weerar isaga ka dhan ah xilliggii uu ku jiray ololaha doorashada.

Siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga waxay soo qaataan hadal hore uga soo baxay xoghayihii gaashaandhigga dowladdii Obama oouu yiri: “Biden wuxuu khalad ka sheegi jiray ku dhawaad dhacdo kasto weyn oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda, in ka badan 40 sano”.

Arrinta murugada ah ee heysata Biden waxay tahay masiibo taabatay noloshiisa, taas oo ah geeri ku timid qaar ka mid ah qoyskiisa.

Xilli la filayay in la dhaariyo ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee kursiga Sanetka, waxaa shil gaari ku dhintay xaaskiisa, Neilia iyo gabadhiisa Naomi, halka labo ka mid ah carruurtiisa uu dhaawac ka soo gaaray.

Wiilkiisa Hunter wuxuu ahaa qareen iyo nin u doodo xuquuqda aadanaha ka hor inta xaaladdiisa aysan faraha ka bixin.

Xaaskiisa ayaa ku aragtay wiilka oo isticmaalaya daroogo, waxaana wiilkiisa laga saaray shaqada ciidamada badda ee Mareykanka ka dib markii la ogaaday in uu isticmaalayay daroogada nooca Cocaine loo yaqaano.

Wuxuu jariiradda New Yorker u sheegay in maalqabeen Shiinees ah uu ka helay dheeman, ka dibna saraakiisha Shiinaha waxay ku sameeyeen baaritaan dhanka musuq maasuqa ah.

Xil ka qaadis

Arrinta sida weyn loo maalgeliyay waxay aheyd tii Ukraine, taas oo horseeday in eedeymo loo jeediyo Trump isla markaana horseeday in madaxweynaha Ukraine uu baaritaan dhanka musuqmaasuqa ku sameeyo wiilka Biden, ee lagu magacaabo Hunter.

Wicitaan dhanka taleefanka ah, oo 25 July, dhexmaray Mr Trump iyo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, wuxuu horseedday inay cabasho muujiyaan koox ka shaqeysa sirdoonka oo xogta bixiyay taas oo sababtay in laga hadlo xilkaqaadistii Trump, inkasta oo markii lagu guuldareystay in xilka laga qaado Trump.

Fadeexadaha ka dhaca dibadda waa kuwa dibaato u keeni kara Biden. Wuxuu horey u ahaa guddoomiyaha guddiga Aqalka Sanetka u qaabisan siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuuna la kulmay madaxweyne kasta oo dunida ka taliya, 45-tii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa siyaasaddiisa lagu tilmaamaa mid dhexdhexaad ah.

Wuxuu ka soo horjeestay dagaalkii lagu qaaday khaliijka sannadkii 1991-dii, wuxuuna taageeray duullaankii lagu qaaday Ciraaq sannadkii 2003-dii, inkasta uu dhaleeceeyay markii dambe ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalladaas.

Go’aanka Biden uu kaga soo horjeestay dagaalkii militari ee lagu qaaday dalalka Khaliijka waxaa la rumeysan yahay sababtii ka danbeysay in uusan tartamin xilka madaxtinimada doorashadii 1992

Biden waa nin taxaddar badan, wuxuu Obama kula taliyay in uusan qaadin weerakii gaarka ahaa ee lagu dilay hogaamiyihii Al Qaacidda Osama Bin Laden.

Arrinta filan waaga noqotay waxay tahay, in Al Qaacidda aysan ka fileyn wax badan, dokumentiyo la helay oo ay baahiyeen CIA-da ayaa lagu sheegay in Osama Bin Laden uu amar ku bixiyay in la dilo Obama balse aanan la dilin madaxweyne ku-xigeenkiisii, Joe Biden.

BBC