Magaalada Boorama Oo Albaabada Laysugu Dhuftay Nootaayooyin Sameystay Juwano Lacag Qabasho Been Abuura.

    0
    754

    Borma(SR):-Magaalada Borama Waxaa Maalintii shalay la xidhay xarumaha saddex nootaayo sharci oo ku yaala gudaha magaaladaasi, xadhiga xafiisyada nootaayooyin ayaa yimid kadib markii ay buugaagta lacag qabashada (Juwanada) wasaarada maaliyada jamhuuriyada somaliland ay qaab foojari ah u bedelaaan lacago badana dadka kagaga qaadeen, iyagoo u isticmaalay shaambada wasaarada maaliyada oo aan iyaduna ahayn tii saxda ahayd ama Orginalka.

    Waxaana arrintani timid kadib markii bishii ugu danbeysay saraakiil ka socotay xafiiska hantidhawrka qaranka somaliland ay baadhitaano kala duwan ka wadeen guud ahaan gobolka awdal iyo xarumaha laamaha dawlada  ee ka hawlgala, iyadoo sida lanoo xaqiijiyey ay baadhitaankii ay ka wadeen hantidhawrka qaranku xafiiska dawlada hoose ee degmada borama ay gacanta ku dhigeen faylal loo sameeyey juwano been abuur ama fooljari ah oo si aan xad lahayn loogu lunsaday cashuurta dawlada dhexe ee ay qaado wasaarada maaliyadu, waxaana cashuuraha buugaagta juwanada beer abuurka ah dadka lacagta lagaga qaaday kala yihiin dadka dhismayaasha guryaha cusub dhista iyo dadka loo jeexayo dhulka faylasha lahaanshaha mulkiyada iyo sidoo kale kala wareejimaha dhulka lakala iibsado.

    Qaabkan Musuqmaasuq oo ku cusub dalka ayaa sababay xadhiga nootaayooyinkaasi samaystay buugaagta been abuurka kuwaas oo ay dadka ay ukala qorayaan heshiisyada labada dhinac ah ay ku amri jireen in faylasha ay sitaan ama dhulka ay kala iibsanayaan ay u cashuuraan iyagoo iska dhigaya inay yihiin ama ay matelaan waaxdii cashuuraha barriga ee wasaarada maaliyada u qaabilsaneyd.

    Waxaana xadhiga Amarka lagu xidhayo iyo waaranka qabashada ahi ka yimid  hantidhawraka qaranka somaliland oo iyagu maalmihii u danbeeyey saraakiisha ugu sareysaa ay ku sugnaayeen magaalada borama,xaqiijinta warkan oo aanu la xidhiidhnay wariyeyaasha ku sugan magaalada borama iyo sidoo kale madax sharciyaqaano ku sugan gobolka awdal ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ilaa hadda aaney ciidamada boolisku wali gacanta kusoo dhigin eedaysaneyaashaasi, balse hadda ay xarumihii nootaayooyinkooda ay hor fadhiyaan ciidamo maalintii shalay la dul dhigay kadib markii laga qufulay iyaga oo maqan oo fakad ah.

    Inkasta oo aanu isku daynay inaanu wax faahfaahin ah ka waydiino madaxda gobolka Awdal oo ugu horeeyo badhasaabka gobolka awdal iyo Saraakiisha xafiiska hantidhawrka qaranka somalilandba nooma ay suurto galin walow ay xogohu tibaaxeen in war rasmiya ay kasoo saaridoonaan madaxda gobolka Awdal Marka gacanta lagu dhigo masuulyiintaa ku magacownaa Nootaayooyinka la xidhay.

     

    Magacyada Saddexda Nootaayo ee la xidhay ayaa kala ah sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida ah bulshada ku nool magaalada borama oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay

    1. Siciid Borama Notary

    2.Cigaal Notary

    1. Sahal Notary

    Warar qaar ayaa Sheegaya in falalkan noocan  ahi ee lagu sameynayo xatooyada cashuurtii dawlada dhexe aaney ahayn mid hadda bilaabantay balse ay muddo sii jiitamaysay, taas oo hoos u dhacweyn ku keenaysay cashuuraha gobolka awdal uga soo xerooda Qaranka somaliland.

    Si kastaba ha ahaatee Waxaa loo dhegtaagayaa halka ay ku danbeyso arrintani iyo caydmaha rasmiga ah ee ay xafiiska xeer ilaalinta oo kaashanaya Hantidhawrka qaranka somaliland horgeeyaan Maxkamadaha awooda u leh, iyadoo haddii lagu helo danbiga hadda loo xidhay xarumahoodu uu noqon karo mid ciqaabta xadhigiisu aanu sahlanayn.