Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Sillaanyo Oo Farriin U Diray Shacabka Somaliland

0
415

Madaxweynahii Hore Jamhuuriyadda Somaliland oo bulshada u direy Hambalayada Munaasibadda Ciidul-fidriga-

Madaxweynahii Hore ee Jamhuuriyadda, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441-naad.

Waxaanu Madaxweyne Axmed Siilanyo munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay uga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Axmed Siilanyo, ummadda reer Somaliland u rajeenayaa inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Madaxweyne Axmed Siilanyo wuxuu shacabka sidoo kale uga baaqey iney ku dedaalan ka hortaga cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, islamarkaana ay qaatan talooyinka dhakhaatiirta iyo Wasaarada Caafimadka Somaliland , waxaanu illahey uga baryey inuu shacabka Somaliland baalmariyo cudurkan safmareenka ah.

Ugu danbaynna, madaxweynuhu, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.

Aamiin Aamiin Aamiin

Xafiiska Madaxweynihii hore ee Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo).