Daqiiqdii ugu Horaysay ee Somaliland Lagu Sameeyey Oo Soo Baxday iyo warbixin laga sameeyey

0
346

Daqiiqdii ugu horeysay ee lagu qoro “Made in Somaliland” oo Dalkeena Maanta lagu warshadeeyay ayaa inoo soo baxday,

Horumarka laguu sheegayaa waa intaas oo laga kordhiyo, keliya waxaa inoo dhiman warshaddii Sonkorta iyo warshaddii bariiska weliba bariiska hore ayaa loo tijaabiyay in uu dalkeena ka soo bixi karo 2014 ayaa lagu guulaystay.

Somaliland waxa ay u baahantahay warshado badan sida tan daqiiqda oo kalena ah lkn uma baahnin aqoonsi deg deg ah, isku filaanshiiyana waynu gaadhaynaa sidoo kalena shaqo abuur balaadhan ayay dhalinyaradeenu ka helaysaa warshado la abuuro.

Waan hubaa Dalkeenu in uu 5-ta sanno ee soo socota horumar badan gaadhi doono waqti aan fogayna aynu iski filaan doonno, ilaa hadda warshadaha waaweyn ee dalkeena ku yaala waxaan ka xasuustaa.

1- warshadda Sharaabka cocacola.
2- warshadaha Saabuunta
3- warshadda Caanaha
4- warshadda buugaagta iyo waraaqaha
5- warshaddaha biyaha.
6- warshadda hilibka.
7- warshadda daqiiqda

Haddii aan wax ka tagay idinkaa iigu darri warshadaha aynu leenahay.

Sidio kale warshadaha muhiimka ah ee loo baahanyahay mustaqbalka dhow khayraadkoodana haysano waxaa ka mid ah

1- warshadda kaluunka.
2- warshadda sonkorta
3- warshadda bariiska
4- warshadda Sibidhka
5- warshadda Rinjiga

Wixii aan ka tagay idinkaa ku dari doona.

Wadamada reer galbeedku waxa ay ku tanaadeen kacaankii warshadaha, inaguna waxaynu u baahanahay kacaan kaas la mid ah iyo in ganacsatadu wax hurto way mahadsanyihiin shirkadda AL-XARBI oo 80 milyan lacag ka badan la ii sheegay in ay ku maalgelisay warshaddan daqiiiqda.