Markab Ay Leedahay Shirkadda Som petroleum Oo Si Qabiilaysan Loo Xanibay, Muddo Bil Ku Dhowna Badda Taagan !!!

0
549

Markab Ay Leedahay Shirkadda Som petroleum Oo Si Qabiilaysan Loo Xanibay, Muddo Bil Ku Dhowna Badda Taagan !!!

Xukuumadda Somaliland Ayaa Xanibtay Markab Nooca Shiidaalka Ah Oo Ay Leedahay Shirkadda Som Petroleum, halka La sii Daayay Maraakiib kale oo iyaguna siday shidaal tiraba laba jeer intuu markabka Som Petroleum xanibnaa. maraakiibtaasi lasii daayay ee iyaguna shidaalka siday ayay lahaayeen rag ay hayb dhaw yihiin Madaxweyne Biixi Kuwaasi Oo Lagu Kala Magacaabo Redsea Petroleum Iyo Waraabe Petroleum.
Xukuumadda Somaliland Ee Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweyne Biixi Ayaan Wali Warcad Kasoo Saarin Sababta Loo Hakiyay Markabkaasi Ay Lahayd Shirkadda Som Potroleum Ee Loosii Daayay Markabadaasi Kale.
Madaxweyne Biixi Ayaa tan iyo intuu talada dalka la wareegay il-cadaawe Ku Hayay Ganacsiga Beesha Habar jeclo Isagoo doonaya inu Awood Dawladeed Ku Maquuniyo Ganacsatada Beesha habar jeclo, xilli uu deder-gelin badan ku wado ganacsiga deegaankiisa ooh yawl fududayn badan iyo mashaariic la siiyo la kulmayay intuu xukunka hayay
Falalka noocan ahi hadii ay sii socdaan waxay sababi karaan riiq iyo colaado daba dheerada oo qarankani wajaho..

W/Q Mustafe Axmed Cali