Ganacsade lacag ka badan Boqol Kun Oo Dollar ugu Deeqay Somaliland

0
553

Guddida Ka Hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta ka Gudoomay Qaadhaan Isgu jira Lacag iyo Raashin Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo ah Ganacsade kasoo Jeeda Waddanka Jabuuti.

Madaxweyne Ku Xikeenka JSL ahna Gudoomiyaha Guddida Ka Hortaga Covid19 ayaa Wakiilka Cabdiraxmaan Boore ka gudoomay Jeeg Lacageed ah $100,00.00 (Boqol kun oo doollar).

Sidoo kalena Maareeyaha Hay’adda U Diyaar Garowga iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa isna Gudoomay Lacag dhan $70,000.000 (Todobaatan kun oo doollar) oo Raashin ah.

Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna Gudoomiyaha Guddida Ka Hortaga Covid19 ayaa ayaa u mahad celiyey Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Qaadhaanka uu soo gaadhsiiyey.