Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiiskii labaad oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho

0
413

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur,  ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho, ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali ah oo dibadda ka yimid , karintiilna ku jiray in laga helay fayruska Corona.

Waa kiiskii labaad ee dowladda sheegtay in laga helay Muqdisho. Balse dowladdu ma sheegin muwaadinkaas waddanka uu ka yimid iyo goorta uu ymid dalka.

Wasiirka waxay sheegtay in isaga iyo muwaadiniintii la socotay ay dhamaantood ku jiraan xaalad karantiil ah.

Dr. Fawziya Abikar Nuur, waxay sheegtay in qofka laga helay cudurka uusan weli jirkiisa kasoo muuqan calaamadihiisa ayna dowladda la tacaalidooto xaaladiisa caafimaad.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda federalka ay karaantiil galisay saraakiil dhalinyaro oo lagusoo tababaray dalka Talyaaniga, oo Muqdisho kasoo dagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here