Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka Kormeeray Tartan Aan Hore Uga Qabsoomin Somaliland Oo Dhexmari Doona Geela

0
701

Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka Kormeeray Tartan Aan Hore Uga Qabsoomin Somaliland Oo Dhexmari Doona Geela Somaliland Iyo Ujeedada Laga Leeyahay

Hargeysa-13-02-2020-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland ee halkaasi ku sugnaa, waxaana arrintaasi geelayda ka caawiyey Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo u qabtay tartankan si loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela.

Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here