Somaliland oo Dil Qisaas Ah Ku Fulisay 6 Nin Oo Maxkamadda Sare Hore Dil Ugu Xukuntay

0
527

XEER ILAALIYAHA GUUD EE SOMALILAND OO WAR KASOO SAARAY DILKII SAAKA LAGU FULIYAY 6 MAXBUUS.

15/01/2020:

Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

#Goobta_Qisaasta
Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here