DAAWO- Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Lagu ansixiyey xeerar kala duwan kuwo kalena lagu qaybiyey.

0
461

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagu Ansixiyey Xeerar kuwa kalena lagu Qaybiyey.

Fadhigii 50-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan oo muhiim u ah qaranka, iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey.

Fadhigii golaha wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey laba xeer oo kala ah qabyo-qoraalka xeerka liisamada ganacsiga iyo qabyo-qoraalka xeerka Aas-aaska hay’adda caymiska qaranka.

Sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu, iyada oo nuqullo kamid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga loo qaybiyey golaha.

Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirradu guddi u saareen xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkan muhiimka u ah qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here