Maayirkii Magaaladda Nairobi Ee Kenya Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Sababa Loo Xidhay

0
446

Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqad lagu soo xiray.

Booliska ayaa siyaasigan kasoo qabtay magaalada Voi, halkaasoo uu booqasho ku joogay.

Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji ayaa sheegay in Mr Sonko su’aalo laga weydiin doono halka ay ku maqan tahay lacag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loogu talagalay ismaamulka Nairobi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xafiiskiisa uu hayo caddeymo ku filan.

Xaaji ayaa dhanka kale booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqabad ku noqon kara baaritaanna la xiriira arrintan.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here