Madaxweyne Muuse Biixi Guddoomiyey Shir ay Isugu Yimaaddeen Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

0
149

Hargeysa:01/12/2019(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ay isugu yimaaddeen xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa kamid ahaa hawlmaalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay, waxana lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta uga warbixiyey ujeeddada shirka, ayaa tilmaamay in shirku ku saabsanaa hawlaha xisbiga, waxana uu yidhi, “Shirkayaguna waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo shirarkii xisbiga tahayba.”

Leave a Reply