Wararkii ugu danbeeyay Soomaali ku geeriyootay dab ka kacay Daar ku taala magaalada Minneapolis

0
503

Ilaa Shan ruux oo ay Soomaali ka mid ahaayeen ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen Dab ka kacay Daar ku taala magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Maxamed Nuur oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Minnesota ayaa VOA  u sheegay in dadkan dhintay Afar ka mid ah ahaayeen Soomaali, waxaana uu intaa ku daray in marka laga soo tago Shanta Ruux ee dhimatay sidoo kale jiraan dad kale oo la dhigay goobaha caafimaadka oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Maxamed Nuur ayaa sheegay in ilaa iyo hadda inta la og Dabkan uu ahaa mid aan ciddi ka danbeeynin oo si iskii ah ku kacay, balse sidaa oo ay tahay waxaa wali soconaya ayuu yiri baaritaan la xiriira arintan.

Dhismaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay sheegen in dadka badi ay u  geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u  badnaa, iyaga oo sharaxaad ka bixiyey sida uu dabka ku bilaawday.

Xigasho hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here