Boqortooyada ingiriiska ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay xadhiga xukumadda somaliland kula kacday masuuliyiinta

0
443

Boqortooyada ingiriiska ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay xadhiga xukumadda somaliland kula kacday masuuliyiinta ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI & dad kale oo rayid ah.

Wakiilka Ingiriiska u Qaabilsan Dawlada Somaliland Mr Stuart Brown oo war qoraal ah ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitter ayaa xukumadda uu hogaamiyo madaxweyne BIIXI wuxu ugu baaqay in saraakiisha xisbiga WADDANI & dadka shacabka ee xidh-xidhan ay maxkamad horgayso ama xoriyadoodii usoo celiso, isla markaana wixii khilaaf ah ee jira ay dhinacyadu ku xaliyaan miiska wada hadalka.

“Boqortooyada UK waxay aad uga walaacsantahay xadhiga joogtada ah ee lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukumadda Somaliland, Waxaan ugu baaqaynaa dowladda in ay dacwad ku soo oogto ama si dhakhso ah loo sii daayo” ayuu yidhi Mr Stuart Brown Wakiilka Ingiriiska u Qaabilsan Dawlada Somaliland.

Danjire Mr Stuart Brown waxa uu sheegay in dhinacyada ay qusayso ay ku dhiiri-galinayaan sidii aan dibu-dhac ugu imaan lahayn doorashooyinka golayaasha wakiilada & deegaanka.

Todobaadkii aan kasoo gudubnay ayaa xili habeenimo ah ay xukumadda somaliland xabsiga dhigtay xoghayihii guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo afhayeenkii xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun, iyadoo la sheegay in isla markiiba loo dhaadhiciyay xabsiga mandheera ee gobolka saaxil,, waxa kale oo jira dad rayid ah oo xukumaddu ay xabsiga u taxaabtay iyadoo ku eedaynaysa in ay danbi faraha kula jireen, mana jirto ilaa hadda wax maxkamad ah oo lasoo taagay muwaadiniintan xidh-xidhan.

W/Q: Weriye Axmed Kaafi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here